Hadliye ”Aniga lama socdo halkii R/W CC uu ku yiri markab ayaa loo diraa Soomaalida Yemen”

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online)-Cabdisalaan Hadliye Cumar Wasiirka arimaha dibadda dowladda Somalia, ayaa ka hadlay dadaalada ay ugu jiraan badbaadinta Qaxootiga Soomaalida ee ku dhibaateysan daafaha caalamka gaar ahaan kuwa jooga Yemen.

Wasiirka oo si qoto dheer uga hadlaayay dhibaatada xanuunka leh ee dalka Yemen ku heysta Soomaalida iyo heerka uu maraayo dadaalkooda, waxa uuna tilmaamay in DF Somalia ay il gaar ah ku heyso Soomaalidaasi ku nool Yemen.

Waxa uu sheegay in tirada Soomaalida halkaasi ku sugan, gaar ahaan diiwaanka Qaramada Midoobay ay gaarayaan 238-Kun hase ahaatee dadka oo dhan laga yaabo in ay gaaraan 250-kun illaa iyo 500-kun oo qof, DF Somalia ay iyaduna la tacaaleyso sidii halkaasi looga soo wada saari lahaa Qaxootiga.

Isaga oo ka hadlaayay dhibta heysata Soomaalida ayaa waxa uu yiri “Lambar dadka si sax ah looma garanayo, laakiinse waa mid aad u badan, hase ahaatee diiwanka Qaramada Midoobay waa la hayaa, dowladda Soomaaliya waxa ay sameysay guddi, gudigaasi aniga iyo wasiirka arimaha gudaha Odowaa ayaa ka madax ah, waan dareemi karnaa dhibta heysata waxaan dardar galineynaa sida dhibaatada looga soo saari lahaa”

”Waad la soctaan dowladda oo dhan baa isku timid, waxaa maalin walba laga shaqeynayaa sidii inta timaado loo soo dhaweyn lahaa iyadoo deeq bixiyayaasha lala kaashanayo, inta doonaysa sidii ay kusoo bixi lahaydna la wado taladeeda ah sidii lagu soo daad gureyn lahaa”

Mar wax laga weydiiyay Markabkii gurmadka ahaa ee uu Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid sheegay in loo diraayo Soomaalida Yemen, ayaa waxa uu sheegay in arrintaasi uusan waxba kala socon islamarkaana uusan maqal warar sheegaaya in Soomaalida Yemen loo diraayo markab.

”Lama socdo meeshii lagu sheegay in DF Somalia ay markab gurmad ah u direyso Soomaalida Yemen, balse waxaan ogaa iyadoo leysla meel dhigay in gurmad deg deg ah loo fidiyo Soomaalida”

Wuxuu sheegay inay wadaan dadaallo badan oo lagu badbaadinayo dadka Soomaaliyeed, balse mida loo baahan yahay ay tahay in laga dhowr sugo talaabooyinka ay damacsan tahay DF Somalia oo aan la degdegin.

Dhanka kale, hadalka Wasiirka ayaa waxa uu kusoo beegmayaa, iyadoo inta badan Ajaanibtii ku nooleyd dalka Yemen ay kala baxeen wadamadooda, kuwa inta badan ku noolna ay yihiin kuwo u badan Soomaali, Ethiopia iyo Ereteria.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com