R/W CC oo hortagaya baarlamanka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa lagu wadaa in maalinta bari ah uu hortago BF Somalia.

Gudiyada joogtada ah ee BF Somalia ayaa go’aamiyay in maalinta bari ah R/W CC hortago BF si uu u soo gudbiyo qorsho howleedka xukuumadiisa ka harsan.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ah gudoomiye ku-xigeenka gudiga arimaha gudaha iyo Amniga Baarlamaanka goobjoogna ka ahaa kulanka gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka, ayaa sheegay in gudiga ay isku raaceen in maalinta bari ah BF loo qeybiyo Mooshinka ka dhanka ah Baarlamaanka Jubbaland oo dhawaan loo gudbiyay gudoonka sare ee baarlamaanka kaas oo ay soo aqrisan doonaan.

Sidoo kale, Gudiyada joogtada ah ee baarlamaanka Somalia ayaa dajiyay todobaadka soo socda qorsho howleedka BF uu ku shaqeyn doono.

Dhanka kale, waxaa adag hirgalinta Mooshinka laga gudbiyay Baarlamaanka Jubba maadaama Madaxweyne Xassan Sheekh uu taageero u muujinaayo Jubaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com