Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo fariin u diray guddoomiyaha BFS iyo xildhibaannada !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Federaalka ah ee Somalia C/raxmaan Max’ed Xuseen (Odawaa) oo ka hadlaayay gudiyo dhowr ka kooban oo ay shalay hor geeyen Golaha Wasiirada, ayaa waxa uu baaq gudiyadaasi ku saabsan u diray Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari iyo Xubnaha ku mideysan Baarlamaanka dalka.

Wasiirka ayaa waxa uu Gudoomiyaha ugu baaqay inuu il gaar ah ku eego gudiyada lasoo dhisay islamarkaana taageero buuxda la siiyo xubnihii shalay la magacaabay ee ka tirsan gudiga madaxa banaana ee doorashooyinka sanadka soo socda.

Odawaa waxa uu tilmaamay in Dalka Somalia uu weli dhex maquuraayo dhibaatadii ka dhalatay dagaaladii sukeeyo, taasina looga gudbi karo in BF Somalia ay meel mariyaan gudiyadii shalay la horgeeyay Golaha wasiirada.

Gudiyada seddexda ah ee kala ah doorashooyinka Qaranka,Adeega Garsoorka iyo xuduudaha iyo Federaalka ayaa ah gudi dastuuri ah,kuwaasi oo dalka gaarsiinaya Nidaam cadaalad, maamul dhisan iyo doorashooyin democratic ah oo dalka ka dhaca sanadka 2016-ka.

Dhanka kale, DF Somalia ayaa lagu wadaa in mudada u harsan ay Somalia ka hirgaliso doorasho xor ah oo dhacda sanada 2016-ka inkastoo beesha caalamka ay taasi ku sheegen mid aan suuragal aheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com