Beesha Mareexaan oo si weyn uga carootay una jawaabtay hadal kasoo baxay wasiir ODOWAA !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Mareexaan, ayaa waxay si xoogan kaga hortimid hadal ka soo yeeray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalka Somaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa).

Wasiirka oo Khamiistii shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado, ayaa sheegay in lagu heshiiyay waxqaybsiga Golaha Odayaasha Dhaqanka iyo Ergooyinka soo dooraneysa Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe, oo lagu wado in lagu soo doorto Magaalada Cadaado.

War Murtiyeed ay Odayaasha Dhaqanka Mareexaan ka soo saareen Magaalada Cadaado, ayaa sidatan u qornaa:-

KU: Dowlada Federaalka Soomaaliya, UN, AU, EU,IGAD,UK,USA iyo Jaamacada Carabta. Taariikh: 25-April-2015, Cadaado

WARMURTIYEED: GOLLAHA ODAYAASHA DHAQANKA BEESHA SADE, EE GALGADUUD IYO MUDUG.

Ujeedo: Beenin hadalkii Wasiirka Arrimaha Gudaha ku sheegay in lagu hishiiyey waxqaybsiga:  GOLLAHA ODAYAASHA IYO ERGOOYINKA.

Odayaasha dhaqanka beesha Sade ee deggan waqooyiga gobolka Galgaduud iyo Mudug qeybo ka mid ah ayaa waxaa ay si rasmi ah u beeninayaan hadal kasoo yeeray wasiirka arrimaha gudaha dowlada Soomaaliya Abdirahmaan Odawaa, kaasi oo sheegay in lagu hishiiyey wax qeybsiga ergooyinka iyo tirada odayaasha dhaqanka ee loo aqoonsanayo gobollada Galgaduud iyo Mudug.

“Wasiir ka arrimaha gudaha, waxaa uu wataa liis been abuur ah, waxaana uu rabaa inuu simo jufadda  uu kasoo jeedo iyo beel weynta MARREEXAAN, taasi oo muujineysa aqoon xumada iyo cadaalad-darada uu la dhex joogo dadka deggan gobollada dhexe.” Ayaa lagu sheegay War Murtiyeedka.

Odayaasha dhaqanka waxaa kaloo ay sheegeen in maamulka la dhisayo wax loogu qeybsado lama arrimood, hadba midii laga maarmi waayo, kuwaasi oo kala ah:

In nidaamka 4.5 ee qabiilka Soomaaliyeed wax ku qeybsado loo maro wax qeybsiga maamulka la dhisayo.

Haddii taasi la waayo, waa in deegaan wax lagu qeybsado, oo beel waliba meesha ay degto wax ku qaadato.

Wixii labadaasi qodob kasoo hara ayey ku sheegeen odayaasha dhaqanka beesha SADE inaysan aqbali doonin, waxaana sidoo kale ay sheegeen inay gebi ahaan shirka isaga bixi doonaan, haddii aan wax laga baddeli liiska uu jeebka ku wato Wasiirka arrimaha gudaha dowlada Soomaaliya Abdirahmaan Odawaa.

Dooda ugu kulul ee dhexmartay wasiirka iyo odayaasha dhaqanka ayaa ah inuu odayaasha Marreexaan ku sheegay saddex oday oo kaliya, halka beesha uu kasoo jeedo ee Habargidir uu siiyey 10 odayaal dhaqameed. Waxaana ay u sheegeen inuusan isaga u yeerin karin tirada iyo magacyada odayaasha dhaqanka ee beeshan leedahay.

“Wakiilka UN ka, IGAD iyo dhammaan hay’addaha daneeya maamul in loo helo gobollada dhexe, waxaan uga digeynaa wasiirada qatarta ku ah in la helo maamul loo dhan yahay iyo waxqeybsi aan lagu kala aragti duwaneyn oo dhexmara dadka deggan gobollada dhexe.” Ayaa qoraalka lagu xusay.

Wasiir Odawaa, ayaan wax jawaab ah ka bixin eedeymaha kaga yimid Beesha Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com