Axmed Madoobe, Shariif Xasan iyo C/WELI Gaas oo ku shiraya Garoowe + Xasan Sh. iyo CCC oo..

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa magaalo madaxda Puntland ee Garowe la filayaa in 29 April,2015 isugu yimaadaan madaxda maamulada Jubaland, Koonfur Galbeed, Puntland ee Somalia iyo dowlada Federaalka ah.

Kulankaan ayaa noqonaya kii Labaad oo ay ku kulmaan madaxweynayaasha maamuladaan iyo dowlada Federaalka kadib markii horey ugu kulmeen magaalada Muqdishu Feb 2015.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh ayaan la xaqiijin inuu kasoo qayb galayo kulankaan halka warar kale sheegayaan in Ra’isal wasaare Sharmaake imaan doono magaalada Garowe.

Shirkaan ayaa wararku sheegayaan inuu socon doono muddo labo cisho ah iyada oo aan weli la ogeyn qodobada looga wada hadli karo.

Dhinaca kale kulankaan ayaa ku soo beegmaya waqti dowlada Federaalka madaxdeeda aaminsan yihiin in maamulada gobolada dhexe ka dhismi doonaan gobolada Galgaduud iyo Mudug halka Puntland ka biyo diidan tahay.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa la filayaa in maanta imaan doona magaalada Garowe kadib markii uu soo dhameystey booqasho uu ugu maqanaa wadanka Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com