Beesha Wacbuudhan oo soo bandhigtay qorshe 15 qodob ah oo lagu dhisayo 2 maamul federaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Beel ka mid beelaha Muqdisho ayaa sheegtay in kulamo u socday muddo dhowr bilood ah waxgaradka, siyaasiyiinta, madax dhaqameedka, dhalinyarada, haweenka iyo dhammaan qeybaha bulshada beeshani oo ah dadka deegaanka Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir  ayaa soo saaray bayaan talo bixin ah oo ku saabsan arrimaha maamul goboleedka iyo maqaamka caaasimadda Muqdisho.

Guddi fulin oo la sheegay inuu matalo Beesha Wacbuudhan Abgaal ayaa qoraalka bayaankani ku qornaa iyadoo aanay jirin cid ku saxiixan, balse mowqifka warqadda ku qoran ayaa u muuqda inuu leeyahay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo dhowaan warqad uu u qoray ergeyga Q/Midoobay uga horjeestay qorshah ah in la isku daro gobolka Banadir iyo gobolada kale.

 

Qodobada Bayaankan waxaa ka mida:-

  1. In Maamul Goboleedyada harsan si deg-deg ah looga howlgalo iyadoo Dowladda Federaalka ay door hoggaamineed ku yeelaneyso, iyadoo tixgelineyso rabitaanka dadka deegaanka, lana waafajinayo dastuurka KMG ah;
  1. Beesha Wacbuudhan waxey ku talineysaa in bulshada deegaanka ee Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ay si deg-deg ah uga howl galaan sameynta Maamul Goboleedka Shabelle State iyadoo ay dadka deegaanka ka wada qeybgalayaan, oo si caddaalad ku dheehantahayna u qeybsanayaan awoodda iyo dhaqaalaha deegaanka;
  1. In Gobolka Banaadir uu noqdo Maamul Goboleed (Banaadir State) iskiis u taagan oo la mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira si dadka deegaanka ay u helaan xaquuqda dadka gobollada kale ee dalka, bacdamaa Gobolka Banaadir uu ka mid yahay 18ka Gobol ee dalka; isla markaana  Qeybaha kala duwan ee Bulshada ee ku nool Gobolka Banaadir ay ka qaataan kaalintooda kaga aadan Maaamul Gobooleedyada.
  1. In maqaamka Muqdisho ee caasimadda dalkana ay dadka deegaanka ka soo talo bixiyaan ka hor inta aan loo gudbinin hay’adaha Dowladda sida Golaha Wasiirada ama Baarlamaanka.
  1. Si looga fogaado tuhun, kala shaki, iyo tafaraaruq bulshada deegaanka dhexdeeda ah waa in awood qeybsiga Maamul Goboleedka Sh/Dhexe iyo Hiiraan (Shabelle State) lagu saleeyo degmooyin oo degmo walba ay soo xulato dadkii uga qeybgali lahaa ergeda iyadoo lala tashanayo madax dhaqameedka deegaanka iyo dowladda Federaalka. Tanoo keeni karta in degmo walba ay si caddaalad ah u soo xulaan ergooyinka, ka dibna xubnaha xildhibaanada ay ka yimaadaan degmo walba oo aysan marnaba dhicin in si isku duub duub ah oo heer qabiil ah korka looga qeybsado. Taladu waa inay ka timaadaa xaga hoose oo heer tuulo, ka dibna heer degmo, ka dibna heer gobol.
  1. Si loo helo sharciyad iyo matalaad rasmi ah waa in dhammaan beelaha dega deegaanka ay sameystaan guddi u matali kara masiirka beesha oo ay siyaasiyiinta, waxgaradka, madax dhaqameedka iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ay soo sameysteen si ay u sahlanaato awood qeybsiga iyo si loo helo sharciyadii ama matalaadii dadka deegaanka oo rasmi ah.
  1. Waxaan ka codsaneynaa Dowladda Federaalka inay si deg-deg ah ugu dhawaaqaan in la furo gogosha dib u heshiisiinta iyo ka tashiga dhismaha Maamul Goboleedka Shabeelaha Dhexe & Hiiraan (Shabelle State) si loo illaaliyo sharciyada dalka iyo rabitaanka bulshada deegaanka.
  1. In shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan lagu bilaabo degmada Balcad ugu danbeyn 10ka May 2015, isla markaasna looga tashado goobihii kale ee shirweynaha maamul u sameynta lagu qaban lahaa;
  1. In Shirweynaha maamul u sameynta Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan uu qabsoomo ugu danbeyn 30ka May 2015.
  1. In Madax dhaqameedyada deegaanka oo heerarkooda kala duwan yahay ay bilaabaan xulitaanka ergooyinka labada gobol ugu danbeyn 15ka June 2015;
  1. In ergo ka kooban 400 la soo xulo ugu danbeyn 30ka June 2015 iyadoo madax dhaqameedka, iyo guddiyada waxgaradka beelaha isla soo xulayaan.
  1. In ergada ay ansixiyaan dastuurka Maamul Goboleedka ugu danbeyn 10ka July 2015.
  1. In xildhibaanada Maamul Goboleedka oo ka kooban 66 la soo xulo ugu danbeyn 20ka July 2015.
  1. In xildhibaanada ay doortaan Guddoonka Baarlamaanka ugu danbeyn 25ka July 2015.
  1. In xildhibaanada ay doortaan Madaxweyne iyo ku xigeenada ugu danbeyn 30ka July 2015.
  1. In xafladda caleema saarka Madaxda la qabto ugu danbeyn 5ta August 2015.