Xildhibaan Cosoble oo abaabul ka dhex wado BF

Muqdisho (Caasimada Online) – C/qaadir Cosoble Cali oo kamid ah Mudanayaasha BF Somalia, ayaa wado qorsho Xildhibaanada Baarlamaanka looga dhaadhicinaayo sidii Gobolka Banaadir loogu daro lahaa Maamulka loo wado in loo dhiso Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in goor hore laga digtoonaado qorshahaani waxa uuna farta ku goday in dadaalkaani loo hirgalin doono sidii loogu talo galay.

Xildhibaanka oo qorshahaasi ka hadlaayay ayaa yiri “Gobolka Banaadir wuxuu ka mid yahay 18-ka Gobol ee dalka ka jira, waxaana muhiim ah in uu ka qaybgalo Nidaamka Federalka, cidna ugama heybeysan doono inaan xuquuqda dadka ku nool Gobolka usoo dhicino”

Waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray “Magaalada Muqdisho waxaa ku nool dad lagu qiyaaso saddex milyan. Waxaana loo baahan yahay inay helaan Maamul, inay Maamul la’aan joogaana maba ahan.”

C/qaadir Cosoble Cali, ayaa walaac ka muujiyay qorshaha lagu doonaayo in Gobolka Banaadir looga saaro Gobolada kale ee la qorsheynaayo in Maamul loo yagleelo.

Wuxuu tilmaamay in arrintaani uu kala hadlaayo Mudanayaasha Baarlamaanka si hal dhinac looga soo horjeesto fakirka qaldan ee Banaadir looga saaraayo dhismooyinka socda.

Dhanka kale, waxa uu cadeeyay in hadii la sameeyo Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaliya uu soo haraayo Gobolka Banaadir, taasina ay caqabad noqon doonto wakhti dambe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com