Sawirro: Cadaado oo lasoo baxday bilic cajiib ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isbedel dhinac waliba ah laga dareemayaa Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb tan iyo markii Madaxweyne Xassan uu shaaciyay in Magaaladaasi ay marti galineyso Shirka Maamulka loogu dhisaayo G/Dhexe.

Goobaha isbedelka Bilicda muujinaayo ayaa waxaa kamid ah dhismooyin lagu sameeyay wadooyinka qaar, Leyrarka cadceeda ku shaqeeya oo inta badan lagu hardhay laamiyaha iyo wadooyinka muhiinka u ah shacabka halkaasi ku nool.

Sidoo kale, waxaa ilaa iyo wakhti dambe oo habeenkii si toos ah u furan goobaha ganacsiga Cadaado, waxaana kusii kordhaayo goobo ganacsi oo laga helaayo wax waliba.

Mas’uuliyiinta DF Somalia ka jooga Magaaladaasi iyo Xubnaha u tartamaaya qabashada xilka madaxtinimo ee G/Dhexe ayaa xiliyada habeenkii usoo fiidsi taga goobaha lagu caweeyo iyo kuwa ganacsiga, waxa ayna taasi muujineysaa isbedelka Magaaladaasi.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11