Xildhibaan Cosoble oo ka hor yimid warqad uu Jawaari u qoray Xasan & CC (Maxaa ku qornaa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/qaadir Cosoble, oo kamid ah gudiga arimaha dibada baarlamaanka una ololeeyo maamul u sameynta Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir ayaa ka hor yimid warqad uu qoray gudoomiye Jawaari.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa warqadaas ku cadeeyay in Banaadir aan la raacineynin gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, uuna kala jeeday in Banaadir uu noqonayo maamul gaar ah.

C/qaadir Cosoble, ayaa sheegay in Banaadir ay wanaagsan tahay in lagu daro maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, shacab ku nool gobolkana ay doonayaan iney qeyb ka noqdaan hanaanka Federaalka.

Shacabka ku nool gobolka Banaadir ayuu ku sheegay iney qaarayaan ku dhawaad 3 milyan oo ruux ayna doonayaan ka qeyb qaadashada nidaamka federaalka ee ka dhaqan galaya dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Cosoble wuxuu sheegay in gobolka Banaadir uu ka duwan yahay gobolada kale ee dalka maadaama uu ka kooban yahay 18 degmo, shacabka Muqdisho ku noolna ay leeyihiin ahmiyad gaar ahaaneed.

Gudoomiye Jawaari ayaa warqad uu u qoray madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare CCC Sharma’arke ku cadeeyay in Banaadir aan lagu darin Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com