SHARIIF Xasan oo ciidamo badan soo dhoobay JAZIIRA iyo DAGAAL laga cabsi qabo inuu qarxo

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Shariif Xasan, ayaa waxa uu ciidan cusub uu keenay deegaanka Jazeera ee duleedka Magaalada Muqdisho, halkaasoo uu toddobaadkii hore uu ka dhacay iska horimaad, u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxa uu deegaanka Jazeera uu u aqoonsaday deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxa uuna xuduuda kala qaybisa Gobolada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose, uu ka xariiqay inta u dhaxeyso Jazeera iyo Degmada Wadajir.

Ciidamada la keenay deegaanka Jazeera oo wata gaadiidka dagaalka, ayaa waxay u diyaarsan yihiin inay ka hortaggaan, haddii duulaan dambe uu kaga yimaado Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida.

Wasiirka Amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed C/fataax Maxamed Ibraahim (Geesey), oo ka hadlaayay weerarka lagu qaaday deegaanka Jazeera, ayaa wuxuu ku sheeegay mid daan-daansi ah, oo aan la aqbali karin.

 

C/laahi Cali Maxamed oo ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka ku nool deegaanka Jazeera, ayaa wuxuu walaac xoogani uu ka muujiyay Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, ee la soo dhoobay Jazeera.

Odaygan, ayaa ku waramaya inay tani keeni karto isku dhacyo hor leh oo ka dhaca deegaankaasi, wuxuuna ku baaqay inaanay dadka deegaanka doonayn in laga barakaciyo guryahooda.

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa horey kaga horyimid in Maamulka Koonfur Galbeed uu sheegto deegaanka Jazeera, oo deegaan ahaan hoos-tagga Degmada Wadajir, sida uu ku doodaayo Maamulka Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com