Daawo Video: Musharixiinta Cadaado oo qaati ka taagan naas-nuujin lagu hayo musharax gaar ah

Cadaado (Caasimada Online) – Qaar kamid ah musharixiinta gobolada dhexe ee dalka oo ku sugan magaalada Cadaado ayaa dowlada Soomaaliya ugu baaqay iney u sinaadaan dhamaan musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada gobolada dhexe.

Musharax Daahir Shidane Cabdi, oo kamid ah musharixiinta doonaya xilka madaxweynaha gobolada dhexe ee dalka ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya aysan dhex dhexaad ka aheyn la kulanka musharixiinta gobolada dhexe.

Wuxuu sheegay in xubnaha dowlada Soomaaliya kaga sugan magaalada Cadaado ay kulamo gaar gaar ah la qaataan mid kamid ah musharixiinta gobolada dhexe oo uu kala jeeday C/kariin Xuseen Guuleed.

Musharaxa ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay iney u sinaadaan dhamaan musharixiinta, isaga oo sheegay in shacabka ay doonayaan madaxweyne ay ku qanacsan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduu
Caasimada@live.com