Maxaa kasoo baxay kullankii xasaasiga ahaa ee Soomaalida South Africa iyo madaxweyne Zuma

Pretoria (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka South Africa Jakob Zuuma, ayaa waxa uu kulan muhiim ahaa la qaatay Xubno ka tirsan Jaaliyada Soomaalida ee Dalkaasi iyo qaar kamid ahaa Jaaliyadaha kale ee wadankaasi lagu dhibaateeyo.

Kulanka oo qaatay dhowr saac, ayaa waxa uu ka dhacay guriga martida ee magaalladda Pretoria, waxa ayna tiro ahaan xubnahaasi gaarayaan ilaa 50 Ergo oo ka kala socotay Jaalliyaddaha Afrikaanka ee ay saamaynta ku yeesheen boobkii iyo dhicii loo geystay goobaha ganacsiga ee shisheeyaha.

Amiir Sheikh oo ah Madaxa Jaalliyadda Soomaalida ee Koonfurta Afrika, ayaa sheegay in Madaxweyne Jakob Zuuma u sheegen dhibta gaarka ah ee lagu hayo Ajaanibta, gaar ahaan Soomaalida, waxa uuna tilmaamay in dhibaatada bilowgeedii hore ay kasoo bilaabatay Soomaalida hadana ay kusii baahday ajaanibta kale.

Waxa uu tilmaamay inay ka codsadeen kaliya in Dowladu ay iska xilsaarto amaanka Ajaanibta iyo inay helaan nabadgalyo u dhiganta tan ay ku heysteen dalalkooda. Waxa uu tilmaamay in sidoo kale, ay Madaxweynaha u sheegen in dalka Koonfurta Afrika uu ahaa rajada qaarada afrika, balse lagala kulmo isir-faquuq.

Dhanka kale, falalka Isir nacaybka iyo boobka loo geystay Ganacsatada shisheeyaha ee ku nool dalkaasi waxaa lagu dilay 7-Ganacsato, iyadoo la boobay lana gubay goobo ganacsi oo badankooda ku yaallay Gobalka Kawazulu Natal.

Caasimada Online
Xafiiska Pretoria 
Caasimada@live.com