Imisa qof ayaa u taagan baarlamanka Jubaland?

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa xarunta KMG Maamulka Jubbaland ka socda diiwaan galinta Xubnaha u tartamaaya qabashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Juba.

Doorashada gudoomiyaha ayaa waxaa lagu wadaa inay dhacdo 28/04/2015, waxaana la filayaa in halkaasi ay gaaran Xubno ka socda DF Somalia.

Qabashada arjiga musharaxiinta ayaa ilaa iyo hada waxaa isa soo sharaxay 10 xubnood kuwaas oo u kala tartamaya gudoomiyaha iyo xilka labada ku-xigeen.

Sida aan xogtu ku helnay 4 musharax ayaa utartamaysa xilka gudoomiyaha jubaland, halka 4 musharax oo kalana ay utartamayaan xilka gudoomiye ku-xigeenka koobaad iyadoo xilka gudoomiye ku-xigeenka labaad ay u tartamayso 2 musharax.

Dhanka kale, waxaa laga yaabaa in tirada musharaxiintu ay toban ka bataan maadaama ay xiligii wali saacado ka harsan yihiin, xubnaha DF Somalia ka socdana aysan weli gaarin.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com