Xildhibaanada BFS oo su’aal ka keenay go’aanka ay beesha caalamka ku aqoonsatay barlamanka..

 

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay Beesha Caalamku taageertay dhismaha Baarlamaanka Jubba, ayaa waxaa arrintaasi si kulul uga hadlay Xildhibaano ka tirsan BF.

Xildhibaanada oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ku dhaleeceeyay Beesha Caalamka Warmurtiyeedkii ay kusoo dhaweeysay dhismaha Barlamanka Jubaland, waxa ayna go’aankaasi ku sheegen mid lagu inqilaabayo DF Somalia oo aan weli shaacin go’aankeeda ku aadan dhismaha Baarlamaanka Jubba.

Xildhibaanada oo si aad ah uga soo horjeestay taageerida Beesha caalamka ee Baarlamaanka, ayaa sheegay inay qalad tahay in beesha Caalamka ay soo dhaweyso Barlamanka Juba, iyadoo Dowladda Somalia ay ka gaabsatay.

Waxa ay sheegen inay kala garan la’ yihiin in Madaxweyne Xassan uu dalka ka yahay Madaxweyne iyo in Beesha Caalamka ay maamusho xafiisyada DF, waxeyna arrinkaasi ku tilmaamen mid lagu afganbiyay awooda Madaxweynaha.

Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh Daahir oo ka mid ahaa Xildhibaanada ka qeybgalay kulankaasi, ayaa carabka ku dhuftay in BF uu kasii dhamaanayo sabarka islamarkaana Beesha Caalamka looga baahan yahay inay faraha kala baxdo arrimaha khuseeya BF Somalia.

Waxa uu Saxaafada u sheegay in go’aankooda uu yahay inaan DF Somalia marnaba taageeri karin dhismaha Baarlamaanka Jubba, hadii ay taageertana looga baahan yahay sababta ay ku taageertay.

Dhanka kale, waxa uu si cad u cadeeyay in Beelaha qaar aysan heysan xuquuqdii ay ku dhex lahaayen Baarlamaanka Jubba, ilaa laga meel mariyo arrintoodana aysan aqoonsan doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com