Tarsan: S/land waa inay ilaalisaa jinsiga Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Nuur Tarsan, ayaa si adag uga hadlay go’aanada Maamulka Somaliland ay ka qaadanayaan Somalia inteeda kale.

Tarsan oo qoraal arrintaasi ku saabsan kusoo daabacay bogga uu Aallada Facebook ku leeyahay ayaa waxa uu Maamulka Somaliland ugu baaqay in gabi ahaan wixii horay u dhacay ay iska ilaawaan, islamarkaana aysan sabab u noqon masixitaanka Jinsiga Somalia.

Waxa uu sheegay in Maamulka Somaliland looga baahan yahay inay meel iska dhigaan waxa loogu yeero gooni isu taaga ay in mudo ah ay ka raadinayeen Beesha Caalamka.

Waxa uu tilmaamay in jiritaanka dalka Somalia kaliya ay ku xiran tahay in Maamulka Somaliland ay dib uga soo laabato go’aankaasi aan weli ka gadmin caalamka, waxa uuna ka digay in go’aankaasi uu sii kala jarjaro Somalia.

”Waxaan maamulka Somaliland ugu baaqayaa in ay badbaado u noqdaan jiritaanka jinsiga Somaaliyeed oo ay iska iloobaan wax kasta oo ka soo gaarey taliskii ciidamada iyo xukuumadiisii. In ay ka tanaasulaan gooni isu taaga oo ay hogaan u noqdaan qaranka Somaaliyeed madaama dowladihii laga dhisi koofurta ay ku fashilmeen in ay keenaan wax horumar siyaasadeed, mid bulsho, mid dhaqaale iyo mid dib u heshiisiineed”

”Wadankii Somaaliyeed wuxuu ku sii socdaa meel aad u madow oo aan la garaneynin waxa uu ku dambeyn doono. waxaan ogahay in dad badan oo ka tirsan waqooyi iyo koofurba in ay hadalkaan dhibsandoonaan laakiin waa xaqiiqa aan laga aamusinkarin. marka aad fiirisid sida ay wax ku socdaan”

Wuxuu cadeeyay in Somaliland aysan ka maarmin Somalia inteeda kale, loona baahan yahay in xaqiiqda loo hogaansamo, si meesha looga saaro far far ku taaga labada dhinac ka dhextaagan.

Dhanka kale, waxa uu DF Somalia ugu baaqay inay u jilicsanaato soo jiidashada Gobolada ka maqan ee baadi goobka ugu jira helida aqoonsi caalami ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com