Somaliland oo qeylo dhaamisay: “Xasan Sheekh waxa uu naga hor keenay BEESHA CAALAMKA”

Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Maamulka Somaliland Faisal Cali Waraabe ayaa ka hadlay warar sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh uu Beesha Caalamka ka dhaadhiciyay in Somaliland ay xiligaani raacsan tahay Somalia inteeda kale.

Faisal Cali waxa uu tilmaamay in ka shaqsi ahaan uu arrinkaasi u arko mid nasiib daro ah, waxa uuna tilmaamay in Somaliland ay bari hore ka madaxbanaanaatay Somalia inteeda kale, sida uu hadalka u dhigay.

Mar wax laga weydiiyay kaalinta ay Somaliland ku leedahay Africa, ayaa waxa uu sheegay in inta badan Dowladaha Africa ay yihiin kuwa dowlad ahaan u ictibaarsan Somaliland, balse kaliya ay caqabadu tahay mid ka heysata dhanka Somalia.

Wuxuu carabka ku dhuftay in xiligaani la joogo aysan DF Somalia uga baahneyn wax dhaqaale iyo siyaasad wadaag, balse ay sugayaan in Caalamka intiisa kale uu siiyo aqoonsi, walow uu muujiyay in sababta kaliya ee hortaagan ay tahay in Dowlada Somalia oo isku magacawday dhulka Somaliland.

Geesta kale, waxa uu Madaxweynaha DF Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu ugu baaqay inuu ka fiirsado Siyaasadaha khuseeya Somaliland oo uu beesha caalamka kala hadlaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com