Odayaasha Puntland ee ku sugan Cadaado oo la yimid go’aan cusub oo ka dhan shirka (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado, ayaa sheegaya in Odayaasha ka socda Gobolka Mudug qeybta Puntland ay ka cabanayaan xaqiraad lagu sameeyay xuquuqdooda Shirka Maamul u sameynta Mudug iyo Galgadud ay ku lahaayen.

Afhayeenka ka socda Odayaasha Mudug Maxamuud Ibraahim, ayaa sheegay in ay ka doonayaan DF Somalia inay kala cadeyso in waxa Maamulka loo sameynayo ay tahay Koofurta Mudug oo kaliya ama Mudug oo dhan.

Waxa uu tilmaamay in ilaa iyo hada ay kala garan la’ yihiin qaabka uu u socdo shirka iyo cida sida gaarka ah loogu casuumay.

Afhayeenka waxa uu sheegay inay faarujin doonaan Hoolka shirka bacdamaa ay ku jahwareersan yihiin shirka iyo ujeedkiisa.

Lama garanaayo waxa uu noqon doono go’aanka Odayaashasi, inkastoo ay wacad ku mareen inay isaga bixi doonaan shirka oo idil.

Dhanka kale, Ergooyinka qaar ayaa iyaguna si kuwaa lamid ah uga cabanaayo shirka oo la tilmaamay inay isku soo koobeen beelo gaar ah, ilaa iyo iminkana aysan ka hadal DF.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com