Xasan Sheikh oo qaatay go’aan hore looga digay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay dhismaha baarlamaanka KMG ee Jubba, iyada oo ay soo baxayeen qeylo dhaan arimahaasi laga muujinayay.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay iney soo dhaweyneyso dhismihii baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba isaga oo shacabka ugu baaqay iney ka qeyb qaataan dhismah  maamulada harsan.

“Waan soo dhoweynayaa talaabada horey loo qaadey ee dhismaha baarlamanka maamulka Jubba. Waxay tani ka tarjumeysaa sida ay inooga wada go’an tahay dhameystirka nidaamka federaalka ee dalkeena’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in hanaan walba oo la dhaqangelinayo ay la soo gudboonaato caqabado iyo cabashooyin ay dadku muujiyaan, balse muhimaddu ay tahay in la helo nidaam, kadibna la xaliyo murannada iyo cabashooyinka jira.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay Maamulka KMG ee Jubba kala shaqeyso sidii loo xalin lahaa cabashooyinka ka dhashey hanaanka xulista baarlamanka ee maamulka, waxaana ujeedku uu yahay in beel kasta ay hesho saamiga ay xaqa u leedahay, baarlamankanina uu noqdo mid dadka oo dhan ay iska wada arkaan’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqey dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan barnaamijyada lagu hirgelinayo hanaanka federaalka iyo sugidda amniga dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com