Miyuu xabsi ka badbaadi doonaa Lionel Messi ka dib canshuurtii uu lunsaday?

Siyaasiga Isbaanishka ah Alberto Garzon ayaa aaminsan inuu xiddiga Barcelona Lionel Messi ka badbaadi doono xabsi xitaa haddii lagu helo dembi ah inuu lunsaday canshuur ay aheyd inuu bixiyo.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina iyo aabihiis Jorge Messi ayaa lagu soo eedeeyey in aysan bixin canshuur dhan 3.1 milyan oo ginni oo ay aheyd inay siiyaan dowladda Spain intii u dhexeysay sannadihii 2007 illaa 2009.

Si kastaba ha ahaatee, Garzon ayaa aamisan inuu Messi ka badbaadi doono in xabsi la dhigo bedelkeedana uu keliya ganaax la kulmi doono maadaama uu yahay shaqsi caan ah, laakiin wuxuu qirtay inuu ciyaaryahankaani u qalmo inuu ciqaab la kulmo haddii lagu helo dembigaan.

“Dalkaan, haddii uu magacaadu yahay Messi isla markaana aad bixineyso lacag kasta oo lagama maarmaan ah aadna la xaajooto wasaaradda maaliyadda, markaas xabsi ma geleysid,” Garzon ayaa sidaasi u sheegay Marca.

Messi iyo aabihiis ayaa labaduba beeniyey inay wax qalad ah sameeyeen ka dib markii dacwadaan lagu soo oogay.