“Odayaasha warbaahinta ka qeylinaya waa kuwo lagu adeeganayo oo dan leh” Sidaa waxaa yiri …

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo xiisad u dhexeysa Ciidamada DF Somalia iyo Maamulka Koofur galbeed ee Somalia ka taagan tahay Deegaanka Jaziira, ayaa waxaa arrintaasi warbaahinta uga warbixiyay Wasiirka Ganacsiga Maamulka Koofur Galbeed Cabdullaahi Sheekh Xassan.

Wasiirka ayaa sheegay in warbaahinta loo marinaayo dhaliilo kala duwan, balse uu isagu yahay shaqsi aan Deegaanka Jaziira ka wadin wax dhibaato ku ah bulshada halkaasi ku nool.

Cabdulaahi Sheekh Xassan ayaa sheegay in waligiisa uusan dhibaato geysan, hadana uusan diyaar u aheyn arrintaasi, isaga oo sheegay in Dadka eedeynaya isaga ay yihiin kuwa u soo adeegsanayaan Maamulka Degmada Wadajir iyo kan Gobolka Banaadir, sida uu warka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay in Maamulka Koofur galbeed uu xaq u leeyahay inuu calaameysto xuduuda kala dhexeysa Gobolka Banaadir, balse ay jiraan shaqsiyaad dhaqaale ku bixinaayo in Maamulka laga caqabadeeyo hanaanka uu ku doonaayo cabirka xadka.

Wasiirka oo wax laga weydiiyay waxa uu salka ku hayo muranka xuduuda ee ka dhaxeeysa Maamulkiisa iyo kan gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin karin sabab loogu murmo xuduud mucayan ah, hadana waxa uu cadeeyay in arrintaasi la dhameeyay.

“Xuduuda Sh/hoose iyo Banaadir waa mid iska cad, waa un wax ay buunbuuninayaan Rag uu damac kale ku jiro, aniga halkaan waxaan u joogaa shaqadeyda, maadaama Xarunta Ganacsiga ay Marka tahay, waxaan ka fikireynaa sidii uu u shaqeyn lahaa Ganacsiga Magaalada”

Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa Wasiirka Ganacsiga ku weeraray meel ku dhow Deegaanka Jaziira halkaasi oo laga dajiyay Calanka Koofur Galbeed, arrintaasi ayaa waxa ay abuurtay khilaaf dhinaca xuduuda ah oo u dhaxeeya labada Maamul ee Banaadir iyo Koofur galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com