28.9 C
Mogadishu
Thursday, May 21, 2026

Howlgal guri guri lagu gelayay oo laga fuliyay qeybo ka mid ah Dayniile

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka dowladda federaalka ayaa xalay ilaa seddax xaafadood ka fuliyay howlgal guri guri ay ciidamadu u galayeen, iyadoo ujeedadu lagu sheegay in ay ku baarayaan hub sharci daro ah.

Sida ay ku warameen dadka deegaanka howlgalkaan oo laga fuliyay xaafaddaha  Raadeerka iyo inta ku xeeran, dadka ayaa guryaha laga soo saaray si looga baaro hub, iyadoo aysan jirin hub rasmi ah oo laga helay guryihii la baaray.

Shalay ayaa degmada Dayniile waxaa ka dhacay shir ay ka qeyb galeen taliyeyaasha iyo saraakiisha Booliska, Nabad-sugidda NISA, iyo Boolis Milataari.

Guddoomiyaha degmada Dayniile, C/raxmaan Macallin Xuseen ayaa ujeedada shirkaan ku sheegay in lagu adkeeynayay amniga caasimada, gaar ahaan degmada Dayniile maadaama la guda gelayo munaasabadaha waaweyn iyo maalmaha ciidaha si looga hortago falal amni darro iyo weerarro ay geystaan kooxaha nabad-diidka ah.

Mudooyinkii u danbeeyay waxaa degmada Dayniile ka taagneyd xiisad u dhaxeysay dadka deegaanka iyo ciidamada booliska oo degmadaasi howlgal burburin ah ka waday, xiisadaasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac ka dhashay bannaanbaxyo ay dadka deegaanka kaga soo horjeedeen howlaha burburinta dhulalka danta guud.

- Advertisement -

Read more

Local News