26.3 C
Mogadishu
Thursday, May 21, 2026

Shirkadda LG iyo KOICA oo mashruuc nooc cusub ah ka hirgelinaya Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda LG Electronics, hay’adda gargaarka Kuuriyada Koonfureed ee KOICA iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP ayaa bilaabay iskaashi cusub oo lagu dhisayo xarun xirfado farsamo lagu baro dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada korontada, qalabka elektaroonigga ah, teknoolajiyadda iyo dayactirka agabka guryaha.

Mashruucan ayaa lagu wadaa in laga hirgeliyo magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Nabadda ee Elman Peace Centre, waxaana loogu talagalay in dhalinyarada Soomaaliyeed lagu siiyo tababarro la jaanqaadaya baahida suuqa shaqada.

Heshiiska iskaashiga ayaa lagu saxiixay 15-kii May xarunta LG-KOICA Hope Vocational Training School ee magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo LG iyo KOICA ay muddo ka badan toban sano ka wadeen barnaamij tababar xirfadeed oo lagu tilmaamay mid guuleystay.

Barnaamijka cusub ee Soomaaliya ayaa laga soo dheegtay khibradda xarunta LG-KOICA ee Itoobiya, taas oo tan iyo 2014 tababartay boqolaal arday oo galay suuqa shaqada ama bilaabay ganacsiyo yaryar.

LG Electronics ayaa sheegtay inay Soomaaliya la wadaagi doonto manhajka tababarka, hannaanka maamulka xarunta, qalabka waxbarashada, habka qiimeynta, iyo taageerada shaqo-abuurka ee ardayda qalin-jabisa.

Sidoo kale, macallimiin Soomaaliyeed ayaa lagu tababari doonaa xarunta Addis Ababa, ka hor inta aysan kusoo laaban Muqdisho si ay u hoggaamiyaan casharrada iyo tababarrada farsamo ee ardayda Soomaaliyeed.

KOICA ayaa sheegtay in dufcadda koowaad ee barnaamijka lagu bilaabi doono 50 illaa 60 arday, kuwaas oo ay wax bari doonaan siddeed illaa toban macallin oo Soomaali ah oo qaata tababar shahaadaysan.

Dhalinyarada ka qalin-jabisa xarunta ayaa la filayaa inay ka shaqeeyaan dayactirka qalabka elektaroonigga ah, adeegyada farsamada, ICT-ga, ama inay helaan taageero ay ku bilaabaan ganacsiyo yaryar oo la xiriira xirfadaha ay barteen.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah barnaamij ballaaran oo ay KOICA iyo UNDP ka wadaan Soomaaliya, Kenya iyo Koonfurta Suudaan, kaas oo diiradda lagu saarayo nabad-dhisidda iyo ka hortagga xagjirnimada.

Hay’adaha mashruuca wada ayaa sheegay in shaqo la’aanta, faqriga iyo fursad la’aanta dhalinyarada ay kamid yihiin arrimaha sii xoojin kara nuglaanta bulshooyinka, gaar ahaan dalalka kasoo kabanaya colaadaha.

Lionel Laurens, oo ah madaxa UNDP ee Soomaaliya, ayaa sheegay in iskaashigan uu isku xirayo tababar farsamo, doorka ganacsiga gaarka ah iyo nabad-dhisidda.

“Dhalinyarada Soomaaliya waa hantida ugu weyn ee dalka,” ayuu yiri Laurens, isaga oo intaas ku daray in fursado shaqo iyo xirfado tayo leh ay muhiim u yihiin nabad waarta iyo horumar loo dhan yahay.

Wankyu Park, oo ah madaxa xafiiska KOICA ee Kenya, ayaa sheegay in mashruucan uu yahay tusaale dhif ah oo muujinaya iskaashi ka dhexeeya hay’ad dowladeed oo Kuuriyaan ah, hay’ad Qaramada Midoobay ka tirsan iyo shirkad gaar loo leeyahay.

“Iskaashigan wuxuu dhalinyarada Soomaaliyeed siinayaa fursado dhab ah oo ay ku dhistaan awooddooda, wuxuuna gacan ka geysanayaa aasaaska nabad waarta,” ayuu yiri.

Mashruucan ayaa sidoo kale la filayaa inuu Soomaaliya ka caawiyo dhismaha suuq adeeg oo ku saabsan qalabka elektaroonigga ah, agabka guryaha iyo adeegyada ICT-ga.

Mas’uul ka tirsan KOICA ayaa sheegay in xaruntan aysan kaliya dhalinyarada siin doonin xirfado iyo shaqo, balse ay sidoo kale Soomaaliya ka abuuri doonto saldhig farsamo oo Kuuriyaan ah, maadaama dalka ay ku yar yihiin xarumo rasmi ah oo lagu dayactiro agabka elektaroonigga ah ee Kuuriya laga keeno.

Mas’uulka ayaa sheegay in arrintan ay gacan ka geysan doonto kobcinta xirfadlayaasha Soomaaliyeed, abuurista nidaam adeeg oo casri ah, iyo ballaarinta qiimaha tiknoolajiyadda iyo sumcadda shirkadaha Kuuriya.

Seunghwan Yang, oo ah madaxa LG Electronics ee Itoobiya, ayaa sheegay in shirkaddu ay Soomaaliya la wadaagi doonto guusha ay ka gaartay Itoobiya.

“Anagoo Soomaaliya la wadaageyna khibraddii guuleysatay ee aan ka helnay in ka badan toban sano oo aan ka wadnay LG-KOICA Hope Vocational Training School ee Itoobiya, waxaan gudaneynaa mas’uuliyaddayada bulsho ee shirkad caalami ah,” ayuu yiri.

UNDP ayaa sheegtay in mashruucu uu dhalinyarada Soomaaliyeed siin doono waddo ay ku helaan xirfado, shaqooyin iyo fursado ganacsi, isla markaana uu xoojin doono dadaallada lagu dhisayo nabad iyo horumar waara.

- Advertisement -

Read more

Local News