Beesha Mareexaan oo soo saartay war niyad jab ku riday madaxweynaha GALMUDUG GUULEED!

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay isugu yimaadeen Odayaasha, Siyaasiyiinta, waxgaradka iyo Aqoonyahaanada Beesha Mareexaan ayaa waxa uu ka dhacay Hoteel Ducaale ee Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Kulanka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa looga soo horjeeday jiritaanka Maamulka Galmudug ee uu Madaxweyne ka yahay C/kariin Xuseen Guuleed.

Siyaasiyiinta iyo Odayaasha kulanka ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Siyaasi Aadan Xirsi Yuusuf, Nabadoon C/qaadir Muuse Xinbil iyo Nabadoon Cali Ibraahim Cali Dheere oo madasha ka sheegay in Maamulka Galmudug uu yahay mid aan waxba ka jirin.

Siyaasi Aadan Xirsi Yuusuf oo hadalka ku horeeyay ayaa sheegay in xili hore ay cadeeyeen in dhismaha Maamulka Galmudug uu yahay mid u gaar ah ”Hal beel” oo aan ka turjumeynin cadaalada, waxa uuna Tilmaamay in ka beel ahaan ay qaadaceen Jiritaanka Maamulkaasi.

”Waxaan cadeyneynaa in waxa lagu hayo Cadaado uusan aheyn maamul balse uu yahay mid u gaar ah Hal beel, Beesha caalamka waxaan u sheegeynaa in Maamulka lagu magacaabo Galmudug uu yahay mid aan matalin Beelaha Soomaaliyeed uuna yahay mid u gaar ah shaqsiyaad isku xiran”

Nabadoon C/qaadir Muuse Xinbil iyo Nabadoon Cali Ibraahim Cali Dheere ayaa sidoo kale goobta ka sheegay in ujeedka shirka uu ahaa mid ay ku cadeynayaan mowqifkooda kaasi oo ah inaan u hogaansami doonin wixii kasoo baxa kulamada Maamulka Galmudug.

Dhanka kale, waxa ay si wada jir ah u cadeeyen in Maamulka Galmudug uu yahay mid aan sal iyo baar ku laheyn Dastuurka u yaalla dalka waxa ayna DF Somalia ugu baaqen inay daweyso boogta danqaneysa, haddii la waayana uu Maamulkaasi noqon doono mid aan haba yaraatee wax ka jirin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com