Gaas oo magacabay taliyaha ciidamada booliska

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxay Xafiiska Hogaamiyaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa lagu magacaabay Taliyaha ciidamada Booliska Puntland.

Wareegtada ayaa waxaa lagu magacaabay Gen. Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf Af-gaduud oo xilal kala duwan horay uga soo qabtay Taliska Ciidamada Booliska Puntland.

Taliyaha cusub Gen. Cabdirisaaq Afguduud ayaa horey ula soo shaqeeyey Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland, waxaana uu horey u qabtey isla xilka hadda loo magacaabey, xiligii Maxamed Cabdi Xaashi.

Sidoo kale, Gen. Cabdirisaaq Afguduud ayaa sanadkii 2005 loo magacaabay Taliyihi ciidanka Milteriga ee aaga Kismaayo.

Dhanka kale, Xilka Taliyenimo ayaa waxaa laga qaaday Gen Maxamed Saciid Jaqanaf oo dhowr sano xilkaasi hayay waxa uuna sidiiran usoo dhaweeyay xil ka qaadistiisa iyo magacaabista Taliyaha Cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com