SAWIRRO iyo XOG: Socdaalka danjire AMERICO

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cali Nuur Americo, Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya ayaa Socdaalo ku maraya qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya, kadib markii uu casuumad ka helay maamul goboleedyada dalka qaar.

Cali Ameerico oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ugu horeyn safar ku tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana uu halkaasi kala kulmay soo dhaweyn aad u weyn.

Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam ayaa magaalada Kismaayo casuumaad ugu sameeyay Maxamed Cali Americo, iyadoo la gudoonsiiyay bilad sharaf uu ku muteystay waxqabadka uu sameeyay intii uu ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya.
amrico
Intaasi kadib ayaa waxa uu casuumaad ku tagay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, isagoo halkaasi soo dhaweyn uu ugu sameeyay madaxweynaha koofur galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan, waxaana xalay xaflad loogu qabtay magaalada Baydhabo.
americoa
Maxamed Cali Nuur Ameerico, ayaa hadda ku sugan magaalada Garowe halkaasi oo uu kula kulmay madaxweynaha maamulka Puntland C.welli Maxamed Cali Gaas.
americo

Cali Ameerico ayaa noqday safiirka kaliya oo dadweynaha Soomaaliyeed ku jeclaadeen waxqabadkiisa iyadoo lagu xasuusto caawintii Soomaalidii ku xareysneyd garoonka Kasaraani iyo xabsiyada dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiska Muqdisho
Caasimada@live.com