Dhageyso: Hishiiski Doolow oo burburay, Axmed Madoobe oo xilka ka qaaday Kaliil & jawaabtiisa

Kismaayo (Caasimada Online) – Saacado yar uun ka dib markii hishiis maanta lagu kala saxiixday magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa durba waxaa soo shaacbaxay khilaaf cusub iyo xil ka qaadis uu sameeyay Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Axmed Madoobe, ayaa xilka ka qaaday gudoomiyaha gobolka Gedo isagoo warqad uu soo saaray ku magacaabay gudoomiyaha cusub ee gobolkaasi kana dhigay Gudoomiyihii degmada Luuq Canjeex.

Maxamed Cabdi Kaliil, gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa sheegay in Axmed Madoobe markii ay hishiiyeen 10 daqiiqo kadib uu soo saaray warqada uu xilka kaga qaadayo, laakiin arintaasi ayuu ku tilmaamay qiyaano uu sameeyay madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe.

“Waxaan ku hishiinay shan qodob oo aan isla garanay waxaana goob joog ka aheyd Ethiopia saraakiil ka tirsan, laakiin xil ka qaadistan waa qiyaano uu watay Axmed Madoobe mana ahan mid aan aqbalayo”ayuu yiri Maxamed Cabdi Kaliil.

Axmed Madoobe ayaa ku faraxsanaa maanta hishiiskii la gaaray, laakiin lama oga waxyaabaha iska badalay hishiiska kadib.


Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com