Beesha Mareexan oo laga aqbaly 3 dalab oo ay DF hordhigtay si ay ugu laabato Dhuusomareeb

Cabduwaaq (Caasimada  Online) – Beesha SADE ee degmada Cabudwaaq ayaa wadahadal muddo afar maalmood ah socday kadib ogolaatay inay ka qeyb gasho shirka maamul u sameynta goboladda dhexe, kadib markii ergadii beeshaasi ee isaga baxay shirka Dhuusmareeb ay shuruudo adag ku xirtay wafdigii dowlada Federaalka uu hogaaminayay wasiirka Gaashaandhigga ee waanwaanta u tegay Caabudwaaq.

Xogta  ayaa sheegaysa in Beasha Mareexaan ee gobollada dhexe ay markii hore ka caroodeen markii madaxweynaha iyo wafdigiisa ay waanwaan la galeen beesha Dhuusmareeb una ogolaadeen shuruudo dhowr ah oo beeshaasi gaar ahaa, iyagoo taasi u arkay in magacooda dano gaara lagu fushaday, waxayna ku adkeysteen inaysan ka qeyb galeynin shirarka la wado ee maamul u sameynta Gobollada Dhexe.

Wadahallo dheer kadib wafdigii wasiirka gaashaandhigga waxay beesha Caabudwaaq dalbatay arrimaha soo socda:

1 – Bixinta kharash lacageed

2 – In Madaxweyne ku xigeen laga siiyo maamulka gobollada Dhexe.

3 – In loo magacaabo xilal safiiro oo aan la shaacin

Shuruudahan ayay dowladdu intooda badan aqabshay, inkastoo lacagta oo Hal milyan oo doolar ahayd la filayo iyo in qeyb ka mida la bixiyo, halka jagooyinka safiirada ahna wada-tashi kale laga geli doono.

Dowladda Federaalka ayaa ku dhex dhacday is jiidjiid beeleed iyo dalab beeluhu ku doonayaan inay ku sed bursadaan, waxaana taas sababteeda leh madaxweyne Xasan Sheekh oo tallaabo qaadkiisu noqday mar waliba uga sii dara xaaladda, iyadoo dad badan oo arrimahan la socda ah qabaan inuu dhibaatada jirta oo dhami tahay mid uu isagu sameeyay.

Isha: Goobjooge