R/W Cumar oo qorshe cusub u tagaya Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Ra’isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke todobadkan kusoo wajahan yahay magaalo madaxda maamulka Puntland ee Garowe.

Ra’isal Wasaaraha waxaa soo raaci doona qaar kamid ah wasiirrada iyo xildhibaannada kasoo jeeda deegaanada Puntland. Diyaar garow xooggan oo ku aaddan soo dhoweynta wafdigaas ayaa Garowe ka socda, sida ay xogta leedahay.

Cumar Cabdirashiid muddada uu Garowe ku sugan yahay wuxuu la kulmi doonaa madaxda Puntland, isimadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana la filaa inuu heshiis cusub oo DF iyo Puntland ah la galo Cabdi Weli Gaas..

Booqashadan ayaa noqoneysa tii ugu horreysey ee Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ku yimaado Puntland laga soo bilaabo markii xilka ra’isal wasaaraha loo soo magacaabey Dec 17, 2014.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com