Kenya oo xabsi dhigtay 24 qof oo Soomaali ah

 Gaarisa (Caasimada Online) – Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa sheegay iney xireen 24 ruux oo asal ahaan loo maleynayo iney kasoo jeedaan Soomaaliya kuwaasi oo doonayay iney sharci daro ku galaan dalkaasi.

Gudoomiyaha deegaanka Nakuru Maxamed Birik, ayaa sheegay in sided kamid ah dadkaasi lagu xiray magaalada Gilgil iyaga oo kasoo tagay Kenya kuna sii jeeday dalka Uganda habeenkii Isniinta.

Kuwa lagu xiray deegaanka Gilgil ayuu sheegay in maxkamad lasoo taagi dooni halka kuwa lagu qabtay deegaanka Nakuru ay ku socdaan baaritaano ay sameynayaan ciidamada amaanka dalkaasi.

Wuxuu sheegay in 16 kale ee lagu qabtay deegaanka Nakuru ay doonayeen in xiliga fasaxa ay ka gudbaan dhanka xuduuda ayna galaan gudaha dalka Kenya.

Xeritaanka dadkaasi ayaa kusoo aaday iyada oo ciidamada ay adkeeyeen amaanka waddooyinka waxii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com