SAWIR gacmeed calool xumo ah oo soo baxay!

Nairobi (Caasimada Online) – Toddobaadkii tagay, ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay beddeshay safiirkii Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Amerika, oo dad badan rumeysan yihiin inuu ahaa safiirkii ugu waddanisanaa uguna shaqada badnaa.

Danjire Amerika, ayaa lagu xusuustaa sidii uu mar walba uga warqabay una garab taagnaa Soomaalida Kenya, gaar ahaan kuwa qaxootiga ah.

Amiin Caamir, ayaa sawir calool xumo badan ka sammeeyey dareenka Soomaalida Kenya ee xil ka qaadista Danjire Amerika.

05-04-2015

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com