XOG: Qodobbo laga bedbelayo dastuurka dalka + Qorshaha laga lee yahay & siyaasiyiinta wada

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar Caasimada Online ay ka heshay xildhibaanno ka tirsan BF Somalia, ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin ka tirsan DF ay wadaan qorshe dastuurka dalka wax looga baddalayo.

Wararku waxa ay sheegayaan in Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari iyo Wasiirkii hore Dastuurka Faarax C/qaadir, ay doonayaan inay qodobo quseeya arrimaha doorashada iyo waqtiga dowladda is-beddel ku sameeyaan ama si kale u dhigaan.

Xildhibaan la hadlay Caasimada Online oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegaya in heshiis dhex maray labadaasi Mas’uul uu dhigayo inay baarlamanka iyo DF waqtiga loo kordhiyo, si taasu dhacdana dastuurka la baddalo.

Waxa uu sheegay in arrintaan ay tahay mid Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Faarax C/Qaadir ay isla ogyihiin, balse uusan garaneyn si ay u hirgeli doonto.

Ujeedka ugu weyn ee dhaliyay heshiiska ayaa ah si qalqal loo galiyo goorta lagu balansan yahay Doorashada oo ay waxyar ka harsan tahay, waxaana Magaalada Muqdisho ka soconaaya kulamo u dhexeeyo Siyaasiyiinta Dam-Jadiid kuwaasi oo ka arinsanaaya qaabka ugu sahlan ee lagu jaan rogi lahaa nidaamka ka hor imaan kara Xil kororsiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com