Hadliye: “Saudi Arabia iyo dalalka xulafad la ah waxay isticmalayaan hawada & badda Somalia”

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo dhawaan Siyaasiyiinta Somalia, ay siyaabo kala duwan u dhaliilen Hanaanka ay DF Somalia ku ogolaatay isticmaalka Hawada iyo Bada Somalia ayaa waxaa arrintaasi mar kale ku celiyay Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cumar Hadliye.

Wasiir Hadliye oo la hadlaayay idaacada BBC-da qaybteeda afka Soomaaliya, ayaa sheegay in DF Somalia ay ku qasban tahay inay Ogolaato isticmaalka hawadeeda, waxa uuna taasi ku micneeyay inay sii kordheyso khataraha ka imaanaysa dhanka Alqacida.

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in DF Somalia ay kamid tahay Jaamacadda Carabta iyo ururka Islaamka, sidaa darteed ay qaadatay siyaasada dowladaha kale ee ku mideysan ururradan.

Mar wax laga weydiiyay mowqifka Dowlada ee isticmaalka Hawada iyo Bada ayaa waxa uu ku jawaabay ”DF dhanwaliba oo suura galinkara tirtirida Alqaacidada Yemen wan ku qasbanahay inaan ogolaano hawadeen”

Intaa kadib Wasiirka ayaa sheegay in DF Somalia ay codsi hordhigtay Dowladaha saaxiibada la ah si wax looga qabto Qaxootiga Somalia ka jooga dalka Yemen oo uu ka socdo dagaal heer xun gaarsiisan.

Dhanka kale, Waxa uu xusay in qaxootiga Soomaalida dalkaasi ku nool ay gaarayaan ilaa 250,000, islamarkaana aysan DF Somalia ku filnaan karin inay kusoo celiso dalka, loona baahan yahay inay hesho garab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com