Xiliga rasmiga ee uu furmaayo shirka CADAADO

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo mudooyinkaani dambe uu Khilaaf ka taagnaa halka lagu qabanaayo Shirka Maamul u sameynta Gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Xubno kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxtinimo ee G/Dhexe, ayaa sheegaya in shirka uu si rasmi ah u furmi doono maalinta Sabtida ah ee nagu soo aadan Taariikhduna tahay 11-ka April uu shirkaasi si caadi ah uga furmi doono degmada Cadaado.

Shirkaan waxaa la filayaa in ay ka qeybgalaan mas’uuliyiin iyo sidoo kale Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Ujeedka socdaalka Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ee uu maanta ku gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, ayaa ah mid lagu soo afmeerayo Khilaafka si maalinta Khamiista uu halkaasi u gaaro Madaxweyne Xassan Sabtidiina u furo shirka Cadaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in Shirka Maamulka lagu qabato Magaalada Cadaado halka dhinaca kale ay doonayaan in lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com