Odawaa oo xil ka qaaday 2 guddoomiye degmo

Muqdisho (Caasimada Online) – Digreeto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha DF Somalia C/raxmaan Odawaa, ayaa waxaa xilka looga qaaday Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Hodan C/qaadir Cali Kulane iyo Dharkenley Aadan Maxamed Cumar.

Gudoomiyihii Degmada Hodan ayaa waxaa lagu badalay Gabar Wariye hore u ahayd oo lagu Magacaabo Xaawo Kiin Maxamuud Cali oo iminka noqoneysa Gudoomiyaha Cusub ee Degmadda Hodan.

Sidoo kale Gudoomiyihii hore ee Degmada Dharkenley ayaa waxaa lagu bedelay Cumar Meyre Macow oo isna noqonaya Gudoomiyaha Cusub ee Degmadda Dharkenley.

Guddoomiyaasha la badalay ayaa Mudo Hal sono ah ka soo shaqenayay Degmooyinka Muqdisho.
1

2