Axmed C/salan oo tagay C/Waaq & qorshahiisa

Galgaduud (Caasimada Online) – Wafdi ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa tagay maanta magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Wafdigaasi waxaa kamid ah safiirka Soomaaliya ee Ethiopia Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan, xildhibaano, Odayaal iyo waxgarad ka tagay magaalada Dhuusomareeb ee G/Galgaduud.

Wafdiga waxaa magaalada Caabudwaaq kusoo dhaweeyay maamulka degmada iyo odayaashii kusoo sugnaa magaalada ee kasoo baxay shirkii magaalada Dhuusomareeb.

Waxaa la qorsheynayaa in odayaasha ay ku qancaan qorshaha dowlada ay wado oo ku saabsan in shirka maamul usameynta gobolada dhexe ay kaga qeyb galaan magaalada Cadaado.

Waxaa haataan mid kamid ah hoteelada magaalada ka socda kulamo ay yeelanayaan xubnaha maanta tagay magaalada Caabudwaaq iyo odayaasha deegaanka.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com