Wasiir Odawaa oo maanta tagay Dhuusomareeb

Galgaduud (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha ee xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Odawaa ayaa maanta tagay magaalada Dhuusomareeb.

Wafdiga Wasiirka arimaha gudaha waxaa kamid ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo waxgarad ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Safarka wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya ee Dhuusomareeb ayaa ku dhawaad afar jeer oo uu tagay magaaladaasi,iyada oo safar walbaa uu watay ujeedo gaar ah.

Ujeedada safarka maanta ee wafdiga wasiirka arimaha gudaha ay ku tageen magaalada Dhuusomareeb ayaa lagu sheegay iney tahay kulamo la doonayo iney la qaatan odayaasha magaalada Dhuusomareeb.

Sidoo kale wararka Caasimada Online ay heshay ayaa sheegaya in ujeedada safarka ay tahay iney kulamo la qaataan saraakiisha ciidamada AMISOM si ay iskula meel dhigaan qaabkii ciidamada AMISOM u tagi lahaayeen degmada Cadaado.

Odayaasha dhaqanka ee ku sugan degmada Dhuusomareeb ayaa u muuqanaya kuwo ku dhawaaday iney aqbalaan in shirka uu ka furmo magaalada Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
Caasimada@live.com