Xog: Ethiopia oo dalab u ekaa amar siisay CCC

Muqdisho (Caasimada Online) – R/W Cumar Cabdirashiid ayaa kullamo gaar ah la qaatay siyaasiyiinta iyo Saraakiisha Dowlada Ethiopia ka jooga magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo-wareedyo xog ogaal ah.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ujeedka kulamadaasi ay ahaayeen mid ay dowladda Ethiopia ay ra’iisul wasaaraha kala hadashay Khilaafyada ka taagan shirka gobollada dhexe iyo magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Waxaa la tilmaamayaa in xubnahaasi ay R/W CCC ka codsadeen inuu faragalin ku sameeyo arrimaha la xiriira Khilaafka Gobolada dhexe, islamarkaana shirka Cadaado laga tanaasulo, oo shirka uu ka dhaco Dhuusomareeb.

Madaxweynaha Xasan ayaa doonaya in shirka uu ka dhaco Cadaado, halka Ethiopia-na ay rabto Dhuusomareeb.

Xubno xog ogaal ah ayaa sheegaya in dalabka Ethiopia uu u ekaa mid amar ah, ayada oo ay Ethiopia u sheegtay dowladda in ammaanka Cadaado uusan sugneyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com