XOG: C/kariim Guuleed oo doonay lacagtii lagu iibiyey dhulkii laga xoogay shacabka Muqdisho

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Cabdi Kariim Xuseen Guuleed ayaa safar ku tegay Nairobi isagoo saacado kadibna u dhoofay dalka Turkiga halkaas oo lagu wado inuu kula kulmo Ganacsato Turkish ah kuwaas oo laga rabo lacag ay ku iibsadeen dhul ku yaal meel u dhaw garoonka Muqdisho.

Dhulkan ayaa waxaa horey looga xoogay shacab reer Muqdisho ah, waxaana iibsaday saraakiil ka tirsan dowladda oo uu ku jiro Guuleed.

“Cabdikariim degdeg ayuu u baxey wuxuuna gaarey Istanbul asagoo ka sii aadey Ankara..wuxuu ku raad tirtey Nairobi si aan safarkiisa loo dareemin, halkaas ayuu diyaaraddii Turkiga ka raacey, wuxuuna ugu sheekeeyey asxaabtiisa inuu Nairobi ka soo noqonayo” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Safaaradda Somalia ee Magaaladda Nairobi, oo codsaday inaan la magacabain.

Sababaha Safarkiisa waxaa ugu weyn inuu lacag u doontey dalkaas ganacsato ku sugan gaar ahaan kuwa ay kula shirkoobeen dhul dawladdu shacab ka xoogtay oo maalmo dhoweyd dadkii ku sugnaa laga saarey oo ku yaalla wadada Garoonka Adan Cadde dhanka galbeedna ka xigta Dugisga Poly Technico.. hulkaas oo cabirkiisu yahey 250 Mitir X 120 Mitir.

Dhulkan ayaa lacag 10 jibaar ka badan tan dadka Muqdisho ku kala iibsadaan dhulalka laga siiyey ganacsto Turkish ah, oo doonaya meel aad ugu dhow garoonka.

Shirkadda Turkiga ah waxaa lagula heshiiyey iney bixiso 5 Milyan, iyadoo halkaas ka dhisi doonto Mall ama suuq laga dukaameysto taasoo ay faa’idadeeda wixii ka soo baxa ay kala baranayaan Turkida iyo Cabdi Kariim Xuseen Guuleed.

Hantidii maguurtada aheyd ee Jamhuuriyadda Somalia gaar ahaan tii Caasimadda Muqdisho waxeey mareeysaa heer lagu galo olole siyaasadeed laakiin tani waxeey dhinaca kale noqon doontaa taariikh lagu xasuusto maamulka talada dalka haya iminka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com