REER Muqdisho oo laga raali geliyey FAROOLE

Reer Muqdisho raali ha ka noqdaan hadalkii Faroole

Waxaa caadi ah oo la arkaa dad abaal loo galay haddana aan ka soo bixin, ruux wixii aad ka filaneysay oo wanaag ah kugu beddela xumaato ku danqisa isla saacaddaas balse aan wax saameyn danbe ah aysan kuu reeban.

Dul qaadka waa wax Allah uu noogu sheegay quraanka kariimka ah, ruuxa dulqaatana uu ugu beddelayo ajar weyn. Maahi ruux maqaalo amaba buug qora balse waxaan ahay mid wax aqriya oo afkaar kala duwan ka aqrista websityada. Waxaa aad ii damqiya mar mar markaan aqriyo wax ku saabsan colaado – dil- iwm. Waxaa kaloo iyana la mid ah markaan aqristo been iska cad oo ruux mas’uul ah uu ku doodayo amaba uu ugu dan leeyahay si uu wax uu rabo uu u baneesto amaba loogu fududeeyo.

Aan soo daadego nuxurka qoraalka. Waxaan shaqsiyan ahay ruux ka mid ah dadka degaan ahay ka soo jeeda gobollada Bari ee Somalia. Waxaan ku soo kala noolaa meela badan oo ka tirsan dalka. Waxaan ahay aabe 12 carruur ah leh oo 4 maahee inta kale ay ku soo kala dhasheen: Baay- Jubada Hoose- Waqooyi Galbeed- Shabeelada Hoose- Hiiraan- Galgaduud-Gaalkacyo iyo Shabeelada dhexe. Taasoo muujineysa in badanaaba aan la soo dhaqmay dadka ka soo jeeda degaanadaas.

Waxaan ku soo koray Xamar, gaar ahaan xaafadda Hodan oo ilaa dhalashadeydii illaa 1992 aan ku jiray sii soco iyo soo soco. Aan mar kale hoos u soo daadego oo si rasmi ah nuxurka u taabto. Waxaan maqlaa eedeemo ka soo yeera rag mas’uuliyiin ah oo waliba marar badan ah. Waxaa aad ii danqiyey tii ugu danbeysay oo uu Abdirahman Faroole uu afkiisa ku sheegay in Xamar lagu ugaarsanayo dad gaar ah. Halkan ka dhageys.

Waxaan u qaatay arrintaas in mudanahaas uu damacsan yahay in hadda uu soo celiyo amaba uu jeclaan lahaa iney soo noqoto wax horay loogu soo gudbay oo Soomaalida ay mar hore iska ilowday. Waxaa aniga iyo kuwa ila mid ah oo degaan ahaa ka soo jeeda Bari balse ku nool Xamar uu naga been abuuro sababtoo ah waxaan arkaa kuwa badan oo aad u badan oo haddana aan wax dhib ah ku qabin deggenaashaha Xamar balse si raaxo leh waliba xurnimo leh aanu ugu wada noolnahay .

Waxaan ka baqaa in Faroole uu sii wado eedeemahaas taasoo keeni karta in xurnamadii aan ku heestay Xamar uu been ka sheego, ka dibna uu abuuro jawi ah kala guur iyo ruuxba meeshii uu ka soo jeeday ha soo foodsaaro. Taas oo ah dhib aad u weyn iyo jahwareer hor leh. Waxaan ku soo gabagabeynayaa qoraalkan in : Marka hore raalli ay ka ahaadaan dadka reer Muqdisho gefkii iyo meel ka dhicii uu Abdirahman Faroole ugu gefay . Waa been in dad gooni ah la bar tilmaameedsado, waa been in dhib Xamar uu ka jiro ah dhib lagu hayo dad gooni ah sida uu isaga moodayo.

Laftigiisa wuu ogsoon yahay balse waxaan la yaabanahay waxa gaarsiiyey heerkaas uu afbuuxa ku yiraahdo foolxumadaa intaas la eg. Waxaan u heestay inuu odaygu ka toobad keenay wixii hore ka dib markii xilkii uu ugu adkaaday Abdi Wali gaas oo isaga laftigiisa jidkii Faroole lagu bartay oo ahaa xumaan joogta ah iyo eedeyn uu isna meeshii ka sii waday. Calaa ayi xaal anigoo ku hadlaya dadka ku nool Xamar ee degaan ahaa ka soo jeeda gobolada Bari, waxaan leenahay waxa uu Faroole sheegay dhawaantan in ay tahay been aan waxba ka jirin balse ay tahay arrimo siyaasad uu danahiisa ku fushanayo. RAALLI HA LAGA NOQDO HADALKAAS.

W/Q: Mohamud Haji Hassan ( Shaam )
sheikhshaam@hotmail.com