KENYA oo ku fashilantay baaritaankii weerarka!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hordhac ah oo laga helaayo Saraakiisha Caafimaadka Kenya, ayaa sheegaya in Dowladu ay ku fashilmatay aqoonsiga Ragii ku dhintay Howlgaladii ka dhacay Jaamacada Gaariga.

Dr. Yonais Dani oo kamid ah Saraakiisha Caafimaadka, ayaa xaqiijisay in la aqoonsan la’ yahay ilaa iyo iminka raga weeraray Jaamacada, waxa ayna sheegtay in baaritaanka lagu ogaanayo ay qeyb ka yihiin Saraakiil ka socda FBI-da Mareykanka.

Madaxweyne ku-xigeenka Dalka Kenya William Ruto ayaa dhankiisa ka sheegay inay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay ku ogaadan Meydadka qaar ka mid ah dadkii lagu laayay Jaamacadda Garisa ee ka qeybqaatay weerarka, oo aan ilaa iyo hada la garan qaar ka mid ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka dalkaas waxa uu sheegay in aysan ahayn in laga daalo in la hubiyo oo la xaqiijiyo si loo kala ogaado meydadka oo yaalla Isbitaalka Kenyatta ee Caasimada Nairobi.

William Ruto ayaa hadalkaan sheegay mar uu booqday Isbitaalka ay Meydadka yaalaan , halkaas oo ay ka socoto hawsha aqoonsashada Raga weerarkii lagu haligmay ee ka dhacay Jaamacada.

Inta badan raga howlgalka lagu dilay ayaa waxaa laga toogtay madaxa, waana tan suuragalin weysay in Saraakiisha Caafimaadka iyo kuwa FBI-da mareykanka ee ku howlan baarista aqoonsan waayan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com