Daawo sawirrada: Qashinka buuxa xarunta BFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta ay ku shiraan Baarlamaanka dalka Soomaaliya oo ah dhismo aad u weyn ayaa ah mid kaliya ka qurux badan gudaha iyo halka ay fariistaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, balse banaanka hore ee dhismaha uu yahay mid aad u nadaafad daran.

Sawiro laga soo qaaday Xarunta Baarlamaanka banaankiisa hore iyo hareerihiisa ayaa muujinaya nadaafad daro baahsan oo ka jirta iyo qashin badan oo yaala halkaasi.

Waxaa muuqata inaan xil badan la iska saarin nadaafada iyo dayactirka Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku shiraan Xildhibaano gaaraya 275 Xildhibaan, waana meesha go’aan waliba oo dalka saameyn ku leh ay ku gaaraan Xildhibaanada.

Tani ayaa muujinaysa fashil dhanka nadaafada ah oo ka taagan xayndaabka Baarlamaanka Soomaaliya, xilli Maamulka Baarlamaanka aysan arintaasi wax ahmiyad ah aysan siinin.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo qaata lacago badan ayaan sidoo kale mar kaliya ka fekerin inay qurxiyaan ama lacag ay ku bixiyaan banaanka hore ee xarunta Baarlamaanka si halkaasi looga dhigo meel qurux badan oo indhaha soo jiita.

Inkastoo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay hada fasax ku maqan yihiin, hadana xaalada ka taagan banaanka hore ee Xarunta Baarlamaanka horay ayeey ugu soo shaqeeyeen Xildhibaanada oo waa ay ka dharagsan yihiin.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERA