Tarsan: DF waa in sidii ay u sameysay SHARIIF Xasan & Jubaland u sameysaa gobolada dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka hadlay maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya oo wali muran uu ka taagan halka lagu qabanayo shirka maamulka loogu sameynayo Galgaduud iyo Mudug.

Tarsan, ayaa ugu horeyn sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay in madaxbanaani siiso shacabka ku dhaqan gobolada dhexe si ay u sameystaan maamul ku yimid rabitaankooda.

Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya la gudboon tahay in sidii ay madax banaani u siisay koofur galbeed iyo maamulka Jubba ay u  siiso shacabka gobolada dhexe lagana daayo in si xoog ah wax loogu sheego maamulna loogu sameeyo.

“Arinta gobolada dhexe waxaan leeyahay waxaa wanaagsan dowlada iney madaxbanaani siiyo shacabka Mudug iyo Galgaduud, sababtoo ah fiiri koofur galbeed iyo Jubba iyaga oo madax banaan ayay waxooda sameysteen, sidaasi oo kale ayaa laga rabaa dowlada iney madaxbanaani siiso shacabka gobolada dhexe”ayuu yiri Tarsan.

Gudoomiye Tarsan ayaa sidoo kale sheegay in maamulka dadka loo sameynayo ay wanaagsan tahay in talo laga siiyo maamulkooda si waxyaabo ay ku qanacsan yihiin loogu sameeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada @live.com