Arag Sawirrada: Beeraha xashiishka ee Somalia

Jowhar (Caasimada Online) – Fagaare ku yaal saldhiga Booliska magaalada Jowhar, ayaa maanta waxaa lagu gubay Xashiishka maandooriyaha, kaasoo laga so guray beero ku yaal deegaanka Bacaadle oo dhinaca Koofureed kaga yaal magaalada Jowhar.
Fagaaraha lagu gubay Xashiishka, ayaa waxaa goobjoog ahaa Taliyaha Boliska GobolkaSh/dhexe Col. Khaliif C/lle.

Cornel Khaliif Cabdulle oo ka hadlay fagaaraha lagu soo bandhigay xashiishada ayaa sheegay in milkiilaha beerta oo lagu magacaabo Xamaan Macalin Axmadey oo ka baxsaday ciidamada in lagu soo eedeeyay qodobo ay ka mid yihiin 412/27/34 iyo xeerka Nabadgelyada.

Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka gobolka Sh/dhexe Shiikh Axmed Ibraahin Siid ayaa ku dhowaaqay xukunka, waxana uu sheegay in Xamaan Macalin Axmadey lagu xukumay 4 sano oo xarig ah iyo beertisa oo lala wareego.

“Waxaan u mahadcelinaynaa ciidamadii ku guuleystay maalintii ugu horeysayba in ay gacanta ku soo dhigaan beer ay xashiishad ku abuurneyd,”ayuu yiri Cali Guudlaawe Xuseen.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in sharciga lala tiigsan doono qofkii lagu arko isagoo beeraya ama isticmaalaya maandooriyaha xashiishada waxana uu u digey dadka beera xashiishada.

xashiish 1xashiish 2xashiish 3xashiish 4xashiish 5