DFS oo baryeesa ETHIOPIA: 2 kullan oo dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in halkaasi uu kulan albaabada u xiran yahay ku dhexmaray Wasiirka arrimaha gudaha Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo Saraakiisha Dowlada Ethiopia ee ku sugan halkaasi.

Ilo xogagaal ah ayaa kusoo waramaayo in kulanka uu socday Seddex saac oo xiriir ah, waxaana la sheegayaa in Ajandaha kulankaasi uu ahaa mid looga arrinsanaayay laba qodob oo kala ah Dhismaha Maamulka G/Dhexe iyo in Ethiopia ay aqbasho in kulanka uu ka furmo Magaalada Cadaado.

Wasiirka ayaa waxa uu si gaar ah Saraakiisha uga codsaday inaysan qeyb ka ahaan Khilaafyada ka taagan dhismaha Maamulka, islamarkaana ay taageeran go’aanka Madaxweyne Xasan ee ah in shirka uu ka furmaayo Magaalada Cadaado.

Sidoo kale, wasiirka ayaa Saraakiisha Ethiopia ee qeybta ka ah howllgalka AMISOM ku booriyay sidii ay u tagi lahaayeen Magaalada Cadaado oo halkaasi loogu dhisi lahaa Maamulka loo sameynayo Mudug iyo Galgaduud.

Wali waxaan kala cadeyn in Saraakiisha ay aqbaleen soo jeedinta Wasiirka arrimaha gudaha iyadoo hadii ay aqbalaan arrintaasi aan la ogeeyn waxa ay ka badali karto muranka ka taagan halka lagu qabanayo Shirka Maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud.

Kulan kaasi lamid ah ayaa waxa uu Magaalada Cabudwaaq ku dhexmaray xubno ay kala hogaaminayeen Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Salaad iyo Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia Axmed Cabdisalaan, waxa ayna si gaar gaar ah ula kulmeen Odayaasha Deegaanka si ay uga dhaadhiciyaan in Shirka Cadaado laga qeybgalo.

Lama saadalin karo go’aanada kasoo kala baxay kulamada u dhexeeya Wasiirka iyo Saraakiisha Ethiopia, inkastoo warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in kulanka uu kusoo idlaaday qabyo islamarkaana la filaayo in kulan labaad ay isugu soo laabtan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com