Aqriso Magacyada: KENYA oo soo bandhigtay liiska dadkii fududeeyay weerarkii GAARISA !!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha laamaha Amaanka Dowlada Kenya ayaa shaaciyay in weerarkii ka dhacay gaarisa loo qabtay ugu yaraan 16-ruux oo lala xiriirinaayo weerarka.

Dadkan la qab qabtay ayaa waxaa ku jira mid kamid waardiyaashii jaamacada, Milkiilaha hoteel la sheegay inay seexdeen ragii weerarka fuliyay iyo nin la sheegay inuu usoo gudbiyay hubkii ay wax ku laayeen.

Seddaxda nin ee ka midka ah 16-ka qof oo ay xireen Saraakiisha Laamaha Amaanka waxaa kamid ah:

1 – Maxamed Aadan Suurow waxaa la sheegay inuu yahay Milkiilaha hoteel ay dableydu ku soo dageen

2 – Cismaan Cabdi Dhaqane waa waardiyihii Jaamacada waxaa la sheegay inuu sawiro ka qaaday maydadkii jaamacada lagu laayey kadibna uu telefoono kale u diray.

Sida warbixinta lagu sheegay markii boolisku baaritaan ku sameeyen telefoonkiisii waxaa la sheegay inuu wacay nambaro Somalia ah.

Maxamed Abid Abiikar, Xasan Aadan Xasan iyo Sahal Diiriye Xasan, sedaxdan nin waxaa lagu eedeeyay inay hubka usoo gudbiyeen dableydii weerarka gaysatay laguna qabtay xuduudka iyagoo dhanka Somalia usii gudbaya.

Ragan ayaa amar lagu bixiyay in muda la sii hayo si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com