Xasan iyo CCC oo war kasoo saaray xayiraadda Kenya ay saartay hantida Soomaalida Kenya !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ay soo saareen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaal ah ee Somalia Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa waxa ay uga hadleen xanibaada Xawaaladaha Soomaalida ee ku yaala Dalalka Mareykanka iyo Kenya.

Waxaa lagu sheegay in labada Mas’uul ee dalka ugu sareysa ay dalbanayaan in Xayiraada laga qaado Xawaaladaha Soomaalida Mareykanka, islamarkaana sheegay in xanibaada Xawaaladaha ay horseedi karto dhibaato hor leh oo soo food-saarta Soomaalida ku nool dalka.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu xusay in tallaabadaas ay dowladda Somalia iyo shacabkeeda intaba ay saameyn ku reebeyso.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay ku tiirsantahay dhaqaalaha dadkeeda ay uga soo diraan dibadaha oo in badan oo ka mid ah ay soo maraan Kenya”

Afhayeenka Madaxtooyada Da’ud Aweys ayaa isna sheegay in dad badan oo Soomaaliyeed oo ku nool Kenya laga yaabo in Noloshooda ay ku tiirsantahay lacagaha ehelladooda qurbaha jooga ay ugu soo diraan Xawilaadaha Soomaalida.

Kenya ayaa Irdaha isugu dhufatay Xawaaladaha Soomaalida ee dalkaas iyadoo dhinaca kale xannibtay Koontiyo Shaqsiyaad Soomaaliya ay leeyihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com