Madaxweyne XASAN oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminaayo ayaa goordhow gaaray degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano, Odayaal iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada waxaana intaa kadib loo galbiyay Xarunta Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu halkaasi kula kulmi doonaa Maamulka iyo Odayaasha Dhuusamareeb waxaana sidoo kale, la filayaa inuu kulan albaabada u xiran la qaato Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan Dowlada Ethiopia oo halkaasi ku sugan.

Madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale, la filayaa inuu maanta soo afjaro Khilaafka ka dhex taagan Maamulka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Maalinta Sabtida ee fooda nagu soo heyso ayaa la filayaa in Magaalada Cadaado uu si rasmi ah uga furmo shirka Maamulka loogu sameynaayo Mudug iyo Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com