Beesha Sheekhaal oo durba isku khilaaftay cida golaha u mataleysa iyo digniin loo diray Farmaajo iyo Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Khilaaf ba’an uu ka dhextaagan yahay Odayaasha iyo Waxradka Beesha Sheekhaal.

Khilaafka ayaa la sheegay inuu dhashay kadib markii qaar kamid ah Odayaasha ay Ra’isul wasaaraha u geeyen shaqsiga ay u arkaan inuu u matali karo xubinimada Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Odayaasha aan waxba kala socon shaqsiga loo geeyay Ra’isul wasaaraha ee la filaayo in lagu soo daro Golaha Wasiirada ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ay kala jabinayaan Beesha haddii ay tallo ka qaatan Odayaal gaar ah.

Odayaasha ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha laga iibiyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo la doonaayo in lagu soo daro Golaha, waxa ayna cod dheer ku sheegen inaanu matalin shaqsigaasi.

Odayaasha waxa ay tilmaameen inaysan la socon halka lagu soo camaamaday Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere, sidaa darteedna uusan matalikarin beesha.

Odayaasha ayaa C/raxmaan dheere ku eedeeyay inuu luqaafeeyay Beeshiisa mudada uu xilka hayay, waxa ayna cadeeyen xitaa inuu u quuri waayay inuu ka qabto telka, iskaba daaye inuu wax u qabto.

Dhinaca kale, Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayay uga digeen in ay ku deg degaan hadal heyn ku aadan in Golaha Wasiirada lagu soo dari rabo Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo kamid ah Baarlamaanka cusub horeyna Wasiir usoo noqday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com