Ciidamo gadoodsan oo xayiraad kusoo rogay Abaanduulaha ciidamada Xoogga iyo xaaladda oo meel xun mareyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta aad u qasan magaalada Muqdisho kadib markii ay isugu soo baxeyn ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya oo xiray waddooyinka ugu muhiimsan Muqdisho.

Wararka hadda soo gaarayo caasimadda Online ayaa xaqiijinayo in ciidamo gadoodsan oo ka tirsan Militariga ay hareereeyeen abaanduulaha ciidamada Xoogfa Cali Baashi Maxamed Xaaji.

Ciidamadaan ayaa markii hore waxay saldhig military ku lahaayeen Warshadda loo yaqaan Nacnaca ee ku taal duleedka Muqdisho ayaa xayiraad kusoo rogay Abaanduulaha ciidamada oo halkaas ku sugnaa waxayna ku amreyn inuusan meesha ka bixin karin ilaa mushaaraadkooda laga siiyo.

Arrintaan ayaa abuurtay cabsi waxaana qalqal galay Amaanka Abaanduulaha ciidamada Cali Baashi oo aan la ogeyn ilaa hadda meesha uu joogo waxaana ugu dambeysay isagoo ku hareereesan xiradaas.

Ciidamada Militariga ayaa maanta qalqal amni ka abuuray wadooyinka ugu muhiimsan Muqdisho waana markii ugu horreysay oo la arko ciidamo Muqdisho ku banaanbaxayo oo raadinayo Mushaar ka maqan sanadihii ugu dambeyeey.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawan ay amar soo saareyn saraakiisha ugu sareyso ciidamada iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kuwaas oo amar ku bixiyey in ciidamada Militariga gebi ahaanba laga saaro gudaha caasimadda Muqdisho kadib markii uu soo xumaaday amnigeeda.

Amarkaas waxaa maanta ku dhawaaqay inaysan fullin doonin qaar kamid ah ciidamadii maanta isugu soo baxay Muqdisho waxayna ka dhawaajiyeen inaysan xirooyinka geli doono ilaa laga siiyo mushaarka ka badan oo ay ku sheegeyn 8 bil.

Waxaa la sugayaa waxa ay arrintaan ka dhahaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo taliyayaasha ciidamada oo dhawaan la filayo inay yeeshaan kulan deg deg ah oo looga wada hadlayo dhibaatada maanta ka dhacday Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com