Maamulka Jubbaland oo lagala wareegay Axmed Madoobe iyo qorshooyin halis ah oo socdo!

Kismaayo (Caasimada Online) – Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa xaqiijineyso inuu maamulka Jubbaland la wareegay nin oo lagu magacaabo Cabdi Cali Raage.

Madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyey inuu awoodda Maamulka Jubbaland gacanta u geliyey Cabdi Cali Raage, wuxuuna magaalada Muqdisho u imaaday Axmed Madoobe Sidii ninkaan wasiir looga dhigi lahaa.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay sidii Cabdi loogu soo dari lahaa liiska golaha wasiirada ee dhawaan la filayo in lagu dhawaaqo wuxuuna arrintaas kala kulmay waji gabax markii loo sheegay inaysan suurtagal aheyn in ninkaan wasiir laga dhigo.

Jubbaland ayaa maanta maraysa in gebi ahaan jeebka loo geliyey Cabdi Cali Raage oo ah shaqsiga sida uu rabo ka yeesho maamulkaasi ayaa hadda waxaa socda olole lagu doonayo in banaanka lagu keeno qaladaada Raage iyo Axmed Madoobe ay ku dhex jiraan.

Markii uu Axmed Madoobe ku fashilmay inuu wasiir u helo Cabdi, wuxuuna qorsheenayaa inuu dhawaan ku wareejiyo  mashruuca deeqaha abaaraha ee Jubbaland.

Qaar ka tirsan Xildhibaanada iyo wasiirada Koonfur Galbeed ayaa arrintaan walaac weyn ka muujiyeen waxayna ka dhawaajiyeen inaysan macquul aheyn in maamulka Jubbaland loo dhiibo qof aan madaxweyne ka aheyn taasina aysan qaadan doonin.

Wasiiradaas oo diiday in magacyadooda loo adeegsado warbixintaan ayaa caasimadda u xaqiijiyey inuu ninkaan gacanta ku dhigay maskaxda Axmed Madoobe aysana macquul aheyn in meesha laga saaro.

Wasiirada ayaa is waydiinayo goorta uu Axmed Madoobe ka tagi doono Raage, Balse rag si weyn u yaqaana Axmed ayaa tilmaamay in weligiis uusan Raage dhinac u dhaafi doonin maamulka Jubbland.

Labadaan shaqsi ayaa hadda ku sugan Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya waxaana la filayaa inuu Axmed Madoobe halkaas ugu wareejiyo Raage Abaabulka deeqaha abaarta iyagoo kulamo la qaadan doono hey’adaha gargaarka bixiyo ee xafiisyada ku leh Nairobi.

Dhawaan ayaa waxaa soo baxday fadeexooyin ku aadan Axmed Madoobe iyo Raage markii lagu eedeeyey inay heshiisyo sharci darro ah galeyn oo aan lasoo marsiin baarlamaanka Jubbaland waxaana kamid ah heshiisyadaas la isku heysto

Heshiiska shirikada Haas Petroleum.

Mashruuca dhismaha TIS + ee Afmadoow

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com